Sidee buu Google AdSense Nagu Soo Aqbalay?

Sidee buu Google AdSense Nagu Soo Aqbalay
Sidee buu Google AdSense Nagu Soo Aqbalay

Innaga oo aan luuqada website -keena badalin, oo kaliya afar posts soo dhignay sidoo kale innaga oo aan visitor badan ( kumanan ) helin buu Google AdSense na soo aqbalay? Haddaba waa su’aale:

Sidee buu Google AdSense Nagu Soo Aqbalay

Post-gaan waxaan kugula wadaagi doona waxa lagaa rabo iyo sida ugu dhaqsiyaha badan ee aad approve uga heli karto Google Adsense.

inta aan bilaabin video-gaan waad daawan kartaa haddii aad rabto inad ogaato sida Google AdSense loogu xiro website-kaada.

Sidee buu Google AdSense Nagu Soo Aqbalay.

Sida Google AdSense Aqbal Looga Helaa?

kaba soo qaad website-kaada AdSense waad ku xiratay balse dhowr jeer buu ka soo diiday oo waxa aad is weydiineesaa maxaa khaldan oo aan sameeyay oo Google AdSense igu heystaa?

Haddaba qudubadaani aan kula wadaagi doonno ma sameesay inta aadan AdSense dalbanin. bal aan isla eegno, sidoo kale qeybta dambe ee post-gaan waxaan kugula wadaagi doona Most Frequently Questions ( FAQ ) su’aalaha inta badan dadka is weeydiiyaan.

1: Macluumadka website-kaada oo aad u liito

Dadka badankoodu waxaa u cad kaliya in uu AdSense soo aqbalo oo ay lacagtaasi ku helaan si fudud, oo mararka qaar waxaad arkeysaa qof halkii post 15 ilaa 20 sadar bes ka soo qoraayo.

Saan hore u sheegay annagu afar posts bes soo dhignay AdSense na soo aqbalay. oo 100 Posts oo aad qortaa waxaa dhaanto adigoo 3 ilaa 5 post qoro oo midkiiba ku dhawaaaad 600 oo aray aan ka yareyn.

Ooo haddii aad halmar fiiriso inta badan posts-keena kama yaro 600 eray. Google waxaad ka raadini kartaa website-yo lagu magacaabo ( word counter) oo kuu sheegayo inta eray aad qortay. oo WordPress xitaa waa uu kuu sheegaaya, haddii aad calaamada kor kaaga muuqato oo ku qoran tahay ( details ) aad ku dhufato.

Sidee buu Google AdSense Nagu Soo Aqbalay

Sido kale mar walbo post-yadaada ha lahaadaan thumbnail ama sawirka hore ee qofka u muuqanaayo inta uusan post-ga ku dhufan. Hadda waxaad bilawday inaad erayo badan qorto, haddaba maxaa xiga? oo lagaaga baahan yahay.

2: Optimization Ku Samee Website-Kaada

Waxyaabaha uu Google AdSense fiiriyo waxaa kamid ah visitors ama dadka website-kaada soo booqdo oo waxa uu kaa rabaa in at least website-kaada ay dad soo booqdeen ha yaraadan ama ha badnaadaan.

Haddaba sidee baad Traffic ku heleysa? tusaale: dhowr post aad u faaiido badan badan qortay website-kaadane cidna sooma booqan, tani waxaad uga bixi kartaa in aad website-kaada optimize ku sameeyso oo aad Google Console u sheegto waxa aad heyso.

Haddii aadan tan sameenin Google ma ogaanayo in aad website lee dahay, in aad wax soo publish gareyso, sidoo kale cidna kaama heleyso ama kaama arkeyso qeybta ( SEO ama Search Engine Optimization).

Haddaba website-kaada ku xiro Google Console sidoo kale ku xiro Google Analaytics saad u ogaato dadaka website-kaada soo booqanayo iyo meesha ay ka imaanayaan.

3: Naqshada Website-kaada Ma Qurxan tahay?

Dhamaanteen waan ognahay qaabka Google AdSense u shaqeeyo, sax? oo qof baa lacag bixiyay codsaday in wax loo xayeeysiiyo kadib Adsense waxa uu rabaa qof uu lacagtaasi 60% siiyo. oo uu website-kiisa xayeeysiimaha ku bandhigo. si ay dadka u arkaan.

Adiga waxaad tahay Publisher-kii, adiga iyo AdSense waxa aad heshiid ku gasheen qofkaani lacagtiisa inaad qaadataan oo alaabtiisa website-kaada lagu dhex xayeeysiio Haddaba su’aal ku weydiinaa;

Haddii website-kaada yahay mid liita muqaal ahaan iyo dhan kasto ma jiraa haddaba qof soo booqanayo qofka markuu arko laga yabaa in uu ka sii laabto sidaasi awgeed Google AdSense ma rabo in laacagta iyo waqtigaba ku dhumioi website iska liita.

Waxyaabahaasi waxaa kamid noqon karo tusaale:

  • xaawaraha website-ka oo liito oo qofka marko soo booqdo cabaar iska daba wareejinayo.
  • website-ka oo aan wax qiimio laheyn oo wax laga faaiido aan dhex oolin.

Halmid waa inaad ogaata marka aad AdSense dalbato waxaad ogaata qof nool in uu website-kaada review ku sameyn doonno. marka isku day marka hore inaad website isku dheeli tiran oo visitors ay ku qancaan in aad dhisto.

4: Sameey Wuxuu Google Kaa Rabo

Google AdSense maxaaa uu kaa rabaa inta uusan eegin website-kaada kaliya waxad aad hubisaa in website-kaada uu leeyahay important pages sida: Privacy policy sidoo kale AdSense waxa uu ku weydiina in wax la dhahaayo GDBR iyo CCPA in aad ku xirto inta aadan AdSense dalbin.

Haddaba waxyabhaas oo dhan sameey hadda intaas sameesay oo willi AdSense ku haysto, contact me waan isla eegeenaa cillada jirto.

MOST FREQUENTLY QUESTIONS ( FAQ )

Su’aalaha inta badan ay dadka is weeydiinayaan oo ku saabsan Google AdSense aan ka jawaabno.

1: AdSense Luuqada Soomaliga Ma Aqbalaa?

Aniga proof ii soo qaado oo AdSense waaa uu isoo aqbalay aniga oo aan waxba luuqada badalin oo wax walbo website ku jiro Af-Soomali bay ku qoran yihiin. mar mar waa ay jirtaa in luuqada kugu qabsado balse aniga iguma qabsan.

2: Meeqa Posts Google AdSense Kaa Rabaa inta Aadan ku xiran ?

Google AdSense kuma weydiinayo posts cayiman oo kuma dhahaayo intaas posts soo publish gareey balse adigu mar walbo isku day inaad posts macquul oo midkiiba 600 eray ka badan aad soo publish gareeyso.

3: Traffic intee La’eg buu Kaa Rabaa Google AdSense?

Mar Kale Google kuma dhahaayo intaaso visistors waa inaad heysataa inta aadan dalban, balse at least waa in website-kaada uu noolyahay oo aay dad dhowr ah ku soo booqdeen.

Ugu dambeyn haddii ay kaa go’an tahay in aad AdSense lacaga ka sameeyso oo waxa aan kuu sheegay aad raacdo dabcan wax uun waad ka keeneesaa.

Haddii aadan website heysan balse rabta in aad adsense lacag ka sameeyso oo aad website u baahan tahay fiiri plans aan diyaarinay oo dooro plan ku qanciyo.

webdhise
Fore More Info Contact Us

Asxaabtaada La Wadaag

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *